Connect with us

somalilandtoday.com

Hay’adda U Dooda Xuquuqda Aadamaha Ee Human Rights Oo Shaaca Ka Qaaday Kufsi Uu Gaystay Madaxweynihii Hore Ee Gambia

focus

Hay’adda U Dooda Xuquuqda Aadamaha Ee Human Rights Oo Shaaca Ka Qaaday Kufsi Uu Gaystay Madaxweynihii Hore Ee Gambia

(SLT- Gambia)-Madaxweynihii hore ee Gambia Yahya Jammeh ayaa lagu eedeeyay kufsi uu u gaystay dumar u dhashay dalkaasi intii uu hayay Tallada.

War saxaafadeed ka soo baxay arbacada maanta ah hey’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa lagu sheegay in Jameh uu galmo la sameeyay dhowr hablood intii u dhaxeysay sanadihii 1996-dii ilaa 2017-da.

Hoggaamiyihii hore ee Gambia ayaa hore loogu eedeyay falal dilal ah, balse waa markii ugu horeysay oo loo soo jeediyo eedo la xidhiidha Kufsi.

Reed Brody oo u qaabilsan Human Rights Watch ayaa sheegay in Jameh dumarka uu u isticmaali jiray sida xoola uu isagu Leeyahay.

Brody ayaa intaa ku daray in kufsiga iyo galmada ay tahay xadgudub bani, Aadanino Yaxya Jameh-na uusan sharciga ka weyneyn.

Siyaasigaan ayaa si masaafuris ah ugu nool dalka Equatorial Guinea kadib markii looga itaal roonaaday doorashadii 2016-ka ka dhacday Gambia.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top