Connect with us

somalilandtoday.com

Dambi Baadhihii Gaarka Ahaa Ee Faragalintii Ruushka Ee Doorashadii Maraykanka Oo Hortagaya Kongereska Maraykanka

focus

Dambi Baadhihii Gaarka Ahaa Ee Faragalintii Ruushka Ee Doorashadii Maraykanka Oo Hortagaya Kongereska Maraykanka

(SLT-Washington)-Robert Mueller, dambi baahdihii gaarka ahaa ee eegayey faragalintii Ruushka ee doorashadii Maraykanka ee 2016 ayaa ogolaaday inuu si furan uga hor markhaati furo labada guddi hoosaad ee Cadaaladda iyo ka Sirdoonka ee Congresska Maraykanka. Mueller ayaa labaddan guddi hoosaad hor tagi doona bisha soo socota.

Labada guddoomiye ee guddi hoosaadyadan Jerrold Nadlter iyo Adam Schiff ayaa warqad ay Talaadadii shalay soo saareen shaaca kaga qaaday in Mueller uu hor iman doono 17ka bisha July, iyaga iyo shacabka Maraykankuna ay u halqal taagayaan inay isaga dhageystaan.

Mueller ayaa gacanta ku hayey baaris qaadatay muddo labo sano ku dhow, taas oo la xiriirtay faragalin uu Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo in Madaxweyne Trump uu horjoogsi ku sameeyey caddaaladda, isaga oo isku dayey in baarista uu soo afjaro.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top