Connect with us

somalilandtoday.com

Xasan Ruuxaani Oo Si Kulul Uga Hadlay Cunaqabateynta Cusub Ee Mareykanka Ku Soo Rogay Hoggaanka Iiraan

focus

Xasan Ruuxaani Oo Si Kulul Uga Hadlay Cunaqabateynta Cusub Ee Mareykanka Ku Soo Rogay Hoggaanka Iiraan

(SLT-Tehran)-Madaxweynaha Iiraaan xasan ruuxaani ayaa ka hor yimid cunaqabateynta cusub ee uu Mareykanka saaray hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Aayatullahi Cali Khumeyni.

Mr Ruuxaani ayaa intaa ku daray in go’aankaan uu yahay mid ixtiraam darro ah, isaga oo hoggaanka aqalka cad ku tilmaamay mid maskax ahaan dhiman.

Qudbad uu ka jeediyay Tv-ga qaran ayuu Ruuxaani ku sheegay talaadada maanta ah in Cunaqabateynta Khumeyni ay fashil ku dhamaan Doonto.

Wuxuu intaa ku daray in aysan xiligaan Jirin baahi uu hogaamiyaha Ruuxiga ah ugu safro dalalka Dibada gaar ahaan Mareykanka.

Aqalka Cad maskax ahaan ma ahan mid fadhiya istaraatijiyada aamusnaanta ah ee aan adeegsaneyno ma ahan in aan ka baqeyno Mareykanka ayuu yiri Ruuxaani.

Dhanka kale Xukuumada Washington ayaa sheegtay in todobaadkaan ay cunnaqabateyn ku soo rogi doonto wasiirka arimaha dibeda Iiraan Mohammad Javad Zarif.

Arimahaan ayaa ku soo aadaya iyadoo xoghayaha amuuraha dibeda Mareykanka Mike Pompeo uu sheegay in dalkiisa uu diyaarinayo in wadahadal uu la galo Iiraan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top