Wasiirka Arimaha gudaha dalka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa si cadho leh uga hadlay warkaasi sheegaya inuu baxsaday hogaamiyihii Maafiyada Talyaaniga.
“Waxaan balan ku qaadayaa laba arimood, marka u horaysa inaan in la iftiimiyo sida uu u baxsaday, waxaan waydiinayaa in sharaxaad degdeg ah ay dawlada Uruguay ka baxsado sida uu u baxsaday. Intaa ka dibna waan sii wadaynaa sidaanu usoo qaban lahayn Morabito, meel kasta oo uu joogo.’
Morabito ayaa waxa uu ka mid ahaa raga aadka loo baadigoobi jiray ee ka midka ahaa kooxda abaabulan ee awooda xooga ah leh ee Calabrian ‘Ndrangheta, ee dalka talyaaniga taas oo ah ta ugu weyn ee Wadamada Yurub uga soo dhoofia daroogada cocaine-ta Koonfurta Maraykanka.
Ninkan ah Boqorkii cocaine-ta Milan ayaa waxa la raadinayey tan iyo 1994-kii kadib markii lagu qabtay isagoo ku xiibinaya 13 billion lire oo u dhiganta ($8 million) si uu hal tone oo darooga ah, sida uu ku waramay wargeyska, Corriere della Sera.
Morabito ayaa waxa uu magac ku helay markii isagu isugu yeedhay boqorka Cocoaine-ta kadib markii uu u socdaalay Milan isagoo ka yimid magaalada uu ka soo jeedo Calabrian markii ay da’diisu ahayd 23 jir.