Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka Oo Maanta Gaadhay Sucuudiga

focus

Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka Oo Maanta Gaadhay Sucuudiga

(SLT-Riyadh)-Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Dalka Maraykanka Mike Pompeo ayaa Isniinta Maanta gaadhay Dalka Sucuudiga, isagoo uga sii gudbi doona Imaaraadka.

Mike Pompeo ayaa Dalka Sucuudiga u tagay inuu Sucuudiga kala hadlo sidii uu u samayn lahaa Isbahaysi Gobolku ka yeesho IRAN.

Xoghayaha oo Warbaahinta la hadlay intaanu ka soo ambo-bixin Washinton ayaa sheegay inuu kala hadli doono Masuuliyiinta Sucuudiga iyo Imaraaadka sida ugu wanaagsan ee ay istaatiiji ahaan ugu midoobi karaan (Isbahaysi).

Mr Pompeo waxa kale oo uu sheegay inuu doonayo in xulafada Khaliijka Carabta intii hore laga ballaadhiyo, oo la gaadhsiiyo Aasiya iyo Yurub.

Booqashada Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay aad u kacsan tahay Xiisadda u dhaxaysa Dalkiisa Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top