Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Shuruud Ku Xidhay In Uu Saaxiib La Noqdo Iiraan

focus

Madaxweyne Trump Oo Shuruud Ku Xidhay In Uu Saaxiib La Noqdo Iiraan

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu noqon doono saaxiibka ugu wanaagsan ee dalka Iiraan.

Trump ayaa tilmaamay in saaxiibnimaadan ay ku xidhan tahay oo kaliya marka uu dalkaan joojiyo dadaalada uu ku hormarinayo hubka wax gumaada ee Nuclear-ka.

Hogaanka Iiraan ayaa ku dhawaaqay bil ka hor in ay hormarinayaan hubkooda maadama Mareykanka uu ka baxay heshiiskii wadamada quwadaha ay la galeen 2015-kii Tehraan.

Isaga oo warfidiyeenada kula hadlayay afaafka hore ee aqalka cad ayaa wuxuu sheegay hadii ay Iiraan garato arintaan ay raali galin doonto Mareykanka.

Siyaasiyiinta Mareykanka ayaa ku dhaleeceyay Trump cadaadiska uu ku hayo Iiraan oo ay sheegeen dal doonayo Nabada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top