Haddaba warbixin uu qoray wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa ka soo baxa ayaa lagu sheegay in badhasaabka cusub ee Badhan xidhiidh qoto dheer la lahaa maamulka Puntland kaas oo ahaa xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed ba.
Badhasaabka cusub ayaa la sheegay in uu hore isaga sharraxay baarlamaanka Puntland laakiin, aanu ku soo bixin waxaana soo baxay muuqaallo iyo sawirro muujinaya sida uu siyaasadda Puntland ula falgalay laakiin, waxa la rumaysan yahay in uu maamulka Puntland uga soo digo rogtay intii madaxweyne Deni xukuumaddiisa dhisay.
Xogaha wargeysku helay waxay intaasi ku dareen in masuulkani dhawaan la socday odayaal Bariga Sanaag ka yimid oo madaxweynaha la kulmay, islamarkaana uu u muuqday nin xagjir ah oo siyaasadda Somaliland ee Bariga ka soo horjeeday.
Waxa kale oo wargeysku iftiimiyay in Maxamed Xaamud Cumar ka mid yahay saamilayda shirkadda Sanaag Construction Co kana soo noqday madax. Shirkaddan ayaa inta badan la siiyaa mashaariicda ay fulinayso xukuumadda Puntland iyo hay’adaha ka hawlgala waxaana mashaariicda ugu dambeeyay guri baarlamaanka Puntland looga dhisayay Badhan oo uu dhammaadkii sanadkii 2018 dhismihiisu bilaamay inkasta oo uu qabyo noqday markii wejigii labaad loo sii dayn waayay.
Inkasta oo ay u muuqato in fikirka siyaasadeed ee Maxamed Xaamud isbedelay una muuqdo in uu siyaasadda Somaliland la jaanqaadayo haddana waxay su’aalo iyo doodo ka taaggan yihiin in madaxweyne Biixi oo gobolka Badhan maamulka Puntland kaga awood batay haddana uu u magacaabo masuul hore ula shaqeeyay Puntland mana cadda waxa uu ka qaban karo ku soo celinta gacanta Somaliland ee maamulka Bariga Sanaag.