(SLT-Tehran)-Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN ayaa dil ku fulisay Nin u dhashay IRAN oo lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA.
Jalal Haji Zavar oo Wasaaradda difaaca ee Dalka IRAN kula shaqaynayey Qandaraas ayaa lagu xukumay Dil, isla-markaana lagu fuliyey, ka dib markii lagu helay inuu u basaasayey CIA iyo Dawladda Maraykanka, sida Wakaaladda Wararka ee ISNA ka soo xigatay Millateriga IRAN.
Inuu CIA u basaasayey ayaa waxa ku ogaaday Waaxda Sirdoonka ee Wasaaradda difaaca IRAN, sida ay Wakaaladda ISNA sheegtay
Ninkan ayaa la sheegay inuu si Cad u qirtay in CIA u adeegsatay Lacag, si uu ugu basaaso, waxaana baadhitaan lagu sameeyay Gurigiisa laga helay qalab uu u adeegsanayey hawl-galladiisa basaasnimo.
Xaaskii hore ee Ninkan ayaa iyadana lagu eedeeyay inay ka qayb-qaadatay Hawshan basaasnimo, waxaana lagu xukumay 15 sanadood oo xadhig ah.
Dilka Ninkan ayaa ku soo beegmaya xilli Xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo IRAN aad u kacsan tahay.