Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Oo Xaqiijiyay In Uu Amray Weerar Lagu Qaado Dalka Iiraan

focus

Madaxweyne Donald Trump Oo Xaqiijiyay In Uu Amray Weerar Lagu Qaado Dalka Iiraan

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qiray in uu amray in weerar lagu qaado wadanka Iiraan ka hor inta aanu ka laaban go’aankan.

Mr Trump ayaa tilmaamay in Jimcaha shalay ah uu la hadlay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ay ka niqaasheen xiisadda labadan dal kala dhaxeysa Iiraan.

Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa xusay in Iiraan ay tahay cadowga Mareykanka iyo dalalka kale ee ku yaalla Bariga Dhexe.

Donald Trump ayaa intaa raaciyay in uu sii wadi doono cadaadiska uu ku hayo Iiraan oo uu tilmaamay in ay hoy u tahay kooxaha Argagixisada.

Waxuu ka gaabsaday in uu warbaahinta la sii wadaago waxyaabaha kale oo ay ka hadleen dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Khamiistii ayey aheyd markii ciidanka kacaanka IIraan ay soo rideen diyaarada Drone ah oo ay leeyihiin Millatariga Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top