Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Israa’iil Oo Dhaawacay Dibadbaxayaal Falastiin Ah

focus

Ciidammada Israa’iil Oo Dhaawacay Dibadbaxayaal Falastiin Ah

(SLT-Qasa)-Ugu yaraan 81 Falastiiniyiin ah ayaa la sheegay in shalay galab lagu dhaawacay iska horimaad ay la galeen Ciiddanka Israa’iil ee ku sugan Bariag Marinka Qasa, kuna dhow xuduudka Israa’iil.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa, Ashraf Al qedra ayaa u sheegay Suxufiyiinta in 79 Dibadbaxayaal iyo 2 ka tirsan Shaqaalaha Caafimaadka dhaawacyo ka soo gaadheen rabshadahaasi.

Warbaahinta Maxaliga iyo Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay Dibadbaaxayaashu isku dhaceen Askarta Israel ee ku sugan inta u dhexeysa Xuduudka Braiga Marinka Qasa iyo Israa’iil.

Dibadbaxayaasha waxay ku wada urureen meel ku dhow Xududuka, iyagoo wata Calanka Falastiin, kuna dhawaaqayey Erayo ka dhan ah Israa’iil, waxayna dhagxeeyeen Askarta Israa’iil oo iyagana ku soo jawaabay sunta dadka ka ilmeysiisa, rasaasta cinjirka iyo xabadaha rasmiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top