Connect with us

somalilandtoday.com

Cilaaqaadka Somaliland Iyo Switzerland Oo La Xoojinayo

focus

Cilaaqaadka Somaliland Iyo Switzerland Oo La Xoojinayo

(SLT-Nairobi)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Cumar iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland Cabdi Maxamed Rodol, ayaa la kulmay Safiirka Dalka Switzerland u qaabilsan Geeska Afrika Dr. Ralf Heckner, kaas oo fadhigiisu yahay Nairobi.

Danjire Baashe Cawil ayaa Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA) u xaqiijiyey in ay Safiirka Switzerland kala hadleen sidii dawladaha Somaliland iyo Switzerland u sii xoojin lahaayeen cilaaqaadkooda gaar ahaan dhinaca horumarinta.

Baashe Cawil waxa kaloo uu intaas ku daray inay Danjiraha Switzerland ay sidoo kale isla soo qaadeen wada hadalkii Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top