Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamada ICC Oo Dalbatay In Loo Soo Gacan Galiyo Cumar Xasan Al-Bashiir

focus

Maxkamada ICC Oo Dalbatay In Loo Soo Gacan Galiyo Cumar Xasan Al-Bashiir

(SLT-Khartoum)-Maxkamada danbiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC ayaa ugu baaqday milatariga Suudaan in ay usoo gacan galiso Madaxweyne Camar Xasan Al-Bashiir.

Wadamada reer galbeedka ayaa ku eedeeyay hogaamiyihii hore ee Suudaan tacadiyo ka dhacay gobolka Daafuur.

Al-Bashiir ayaa talada Lumiyay bishii April ee sanadkaan iyadoo deetana xabsiga La Dhigay.

ICC ayaa ku eedeysay in danbiyo dagaal iyo xasuuq bani aadanimo uu geystay sanadihii 2003-dii ilaa 2008-dii.

Dacwad soo oogaha maxkamada ICC Fatou Bensouda oo warbaahinta kula hadashay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in la gaaray waqtigii cadaalada ay heli lahaayeen dhibanayaasha Daafuur.

Bensouda ayaa dhanka kale ka codsatay milatariga suudaan in ay gacanta u soo galiyaan afar la tuhme oo uu ka mid yahay wasiirkii hore ee Amniga Axmed Harun.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top