Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Ee Dalka Faransiiska Oo Maxkamada La Hor-geynayo

focus

Madaxweynihii Hore Ee Dalka Faransiiska Oo Maxkamada La Hor-geynayo

(SLT-Paris)-Maxkamada dalka France ayaa Arbacadii soo saartay go’aan ah in Maxkamada lasoo taagi karo Madaxweynihii hore Nicolas Sarkozy oo loo heysto Kiis Musuq Maasuq ah.

Qareenada u doodayey Madaxweynihii hore ayaa dadaal ugu jiray in laga hortago Maxkamada iyo Kiiska loo heysto Sarkozy oo la xariira lacago qarsoodi ah oo uu ka helay Hogaamiyihii hore ee Liibiya Mucamar Qadafi, xiligii uu Sarkozy ku jiray ololihiisii doorashada 2007 iyo inuu isku dayey inuu kahor tago baaritaanadii lagu sameenayey inuu jabiyey Sharuucda dalkaasi.

Sarkozy iyo Qareenkiisa Thierry Herzog ayaa la sheegay inay shaqo iyo hanti u balanqaadeen Garsoorihii Maxkamadii baareysay lacagaha uu ka helay Col.Qadaafi iyo inuu Madaxweynaha jabiyey sharuucda dalkaasi, waxaa sidoo kale dacwad lagu soo oogay Mr.Gilbert Azibert oo kamid ah Garsoorayashii xiriirka hoose la lahaa Sarkozy intuu xilka hayey.

Maxkamada ayaa xukuntay in sadexdan nin ee kala ah; Sarkozy, Qareenkiisa iyo Garsooriihihii hore Gilbert Azibert dhamaantood maxkamada lasoo taagi karo, arrintan oo u fasaxeysa xeer illaalinta inay bilowdo dacwadooda ku aadan kiiskan.

Wiilka uu dhalay Qadaafi ee Sayfislam ayaa horey u baahiyey sirta inay lacag siiyeen Sarkozy markii uu xilka u tartamayey, kadib markii dowladii Sarkozy ay ku biirtay dalalkii wadamadii NATO taageerada militari siiyey kacdoonkii xukunka looga tuuray Col.Qadaafi.

Nicolas Sarkozy ayaa noqonayaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee France oo in muddo ah maxkamad la horgeeyo, waxaana la filayaa in dacwada ka dhanka ah ay bilaabato bilaha soo socda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top