Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Shiinaha Oo Markii Ugu Horraysay Booqday Kuuriyada Waqooyi

focus

Madaxweynaha Shiinaha Oo Markii Ugu Horraysay Booqday Kuuriyada Waqooyi

(SLT-Pyanyang)-Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray Kuuriyada Waqooyi si uu ula kulmo Kim Jong-un, waana booqashadii koobaad ee rasmi ah ee madaxweyne Shiinaha ka socda uu ku tago Waqooyiga Kuuriya tan iyo 2005.

Labadan masuul oo afar jeer oo hore ku kulmay Shiinaha ayaa la rajaynayaa in ay ka wada xaajoodaan barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi iyo arrimo dhaqaalaha la xiriira.

Shiinaha ayaa muhiim u ah Kuuriyada Waqooyi maadaama ay yihiin dalka ganacsiga ugu wayn uu kala dhaxeeyo.

Booqashada Xi ayaa timid toddobaad ka hor shirka G20 ee lagu qabanayo dalka Japan, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweyne Donald Trump.

Kulankan ayaa sidoo kale noqon doona midkii koobaad ee uu Kim la yeesho tan iyo kulankii dhex maray Trump iyo Kim ee ka dhacay magaalada Hanoi bishii Feebaraayo, kaas oo dhammaaday iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin baabi’inta hubka nukliyeerka ah ee Kuuryada Waqooyi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top