Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Arimaha Dibedda Mareykanka Oo Diiday In Sacuudiga Lagu Daro Dalalka Askareeya Carruurta

focus

Xoghayaha Arimaha Dibedda Mareykanka Oo Diiday In Sacuudiga Lagu Daro Dalalka Askareeya Carruurta

(SLT-Washington)-Xoghayaha Arimaha Dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa meesha ka saaray in eedaha loo jeediyay dowladda Sacuudiga oo ah askareynta carruurta.

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay in caruur yar yar ay u askareysay dagaalka ka socda Yemen.

Pompeo ayaa tilmaamay in khibrad ahaan aanu aaminsaneyn in Sacuudiga uu dagaalka Yemen u tababaray ilmo ka soo jeeda qoysaska Saboolka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo siyaasiyiin ka tirsan dowlada Mareykanka ay eed u soo Jeediyeen Sacuudiga.

Maamulka Trump ayaa hore loogu dhaliilay muhiimada uu siiyo amniga iyo dhaqaalaha dalka Sacuudiga ee Hodanka ku ah Saliida.

Dhanka kale arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo uu sii kordhayo xiisada u dhaxeysa Iiraan iyo Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top