(SLT-Ankara)-Masaajidada ku yaala dhamaan dalka Turkiga ayaa laga oogay Salaad Jinaaso ah oo ay u tukanayaan Maxamed Mursi, Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo ku geeriyooday Isniintii magaalada Qaahira oo ay maxkamadayntiisu ka socotay.
Masuuliyiinta diinta ee dalka Turkiga ee Diyanet, ayaa ku baaqay in maalinta salaasada oo maanta ku beegan in 81-ka gobol ama degmo ee dalka oo dhan laga oogayo salaad jinaaso ah oo loo tukanayo aaska Maxamed Mursi.
Alle ha u naxariistee, Maxamed Mursi ayaa hogaamiye u ahaa kooxda Ikhwaanul Muslimiin, waxaanu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee markii ugu horaysay si xor ah looga qabtay dalka Masar sanadkii 2012-kii, sanad ka dib markii dibadbax dalkaasi ka dhacay xukunka lagaga tuuray hogaamiyihii mudada dheer talinayey ee Maxamed Xusni Mubaarak.
Xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK Party ayaa taageeri jiray dawladii Maxamed Mursi, waxaana xubno badan oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ay u soo qaxeen dalka Turkiga tan iyo intii xayiraada lagaga soo rogay dalka Masar sanadkii 2013-kii.