Connect with us

somalilandtoday.com

Talyaaniga Oo Meel Mariyay Sharci Ka Hor Imaanaya Badbaadinta Muhaajiriinta

focus

Talyaaniga Oo Meel Mariyay Sharci Ka Hor Imaanaya Badbaadinta Muhaajiriinta

(SLT-Rome)-Dowlada Talyaaniga ayaa loo jeediyay dhaleeceyn Caalami ah taasi oo ku aadaan cadaadiska ay ku heyso doomaha hey’adaha Gargaarka ee ku sugan xeebaha Mediterranean-ka ee u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga.

Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa digreeto uu saaray waxuu awood dheeraad siiyay ciidanka Xeebaha.

Digreetadan ayaa waxaa ku xusan in ciidanka ay gacanta ku dhigi karaan Naaquudaha iyo shaqaalaha Saaran Doonta.

Doontii ka soo badbaadisa muhaajiriinta bada oo geysa xeebaha Talyaaniga ayaa lala wareegi doonaa iyadoo naaqudaha lagu ganaaxi doono 56,000 oo Doolar.

Madaxa hey,ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn Claudia Lodesani, ayaa ka hor yimid sharciga cusub ee dowlada Rome waxaana uu tilmaamay in naf la badbaadiyo aysan danbi Aheyn.

Hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ee Human Rights ayaa dhaleeceysay talaabadan,waxaana ay intaa raacisay in xadgudub ay ku tahay xeerarka caalamiga ee xuquuqda Aadanaha.

Sharcigaan cusub ayaa waxaa qalinka ku duugay madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella maalintii Jimcaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top