Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamada Oo Mudaysay Dhagaysiga Dacwadda Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

focus

Maxkamada Oo Mudaysay Dhagaysiga Dacwadda Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

(SLT-Hargeysa)-Maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa mudaysay wakhtiga la dhagaysan doono dacwada loo haysto gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamedsidiiq Dhamme.

War ka soo baxay maxkamada gobolka Maroodijeex oo uu ku saxeexan yahay garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa lagu sheegay in maalinta khamiista ee Berri la dhagaysan dacwada ka dhanka ah guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Garsoore Muuse Cabdi Xuseen ayaa taliyaha saldhiga dhexe ee ciidanka booliska ee magaalada Hargeysa ku amray inuu maxkamada horkeeno laba sarkaal oo markhaati ku ah sarkaalka ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani. Warqada ka soo baxday maxkamada gobolka Maroodijeex ayaa lagu sheegay in dacwadan uu qaranku dhibane ka yahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top