(SLT-Qaahira)-Masar ayaa maanta ku eedeysay QM inay siyaasadeeneyso geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Maxamed Mursi, ayada oo ku baaqeysa “baadhitaan madax-banaan” oo lagu sameeyo sababta uu u dhintay.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha diebdda Masar, Ahmed Hafez ayaa “sida ugu xooggan” u cambaareeyey baaqa afhayeenka guddiga QM ee xuquuqda aadanaha, Rupert Colville oo dalbaday in si madax-banaan loo baaro geerida Mursi oo Isniintii ku dhintay maxkamad ku taalla Qaahira.
Hafez ayaa sheegay in tani ay tahay “isku day ula kac ah oo lagu siyaasadeynayo geeri si caadi ah ku timid.”
Colville ayaa talaadadii dalbaday in la baaro haddii xaaladda xabsigii uu lixda sano ku jiray Mursi ay hoggaamisay dhimashadiisa.