Connect with us

somalilandtoday.com

Ciidammada Liyuu Booliiska Dad Shacab Ah Laayay

focus

Ciidammada Liyuu Booliiska Dad Shacab Ah Laayay

(SLT-Jigjiga)-Ciidammada Liyuu Booliiska ayaa labo ruux ku dilay ku tuulada Baraajisaale oo ka tirsan gobolka Qoraxay ee Dawlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya, sida ay BBC-da u sheegeen qaraabada labada marxuun.

Arrintan ayaa timid iyadoo ciidamada Liyuu Booliisku ay ka soo laabteen hawlgal la sheegay in ay ku baajiyeen labo qabiil oo qarkaa u saarnaa in ay dagaalamaan.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar oo socod ku maraya meel sidaa uga fogayn goobta “shacabka lagu laayay” ayaa saaray guddi baaritaan ku sameeya, kana salgaar sida ay wax u dhaceen, sida uu BBC-da u sheegay wasiirka ganacsiga ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Cabdiraxmaan Axmed Xasan.

Waxaa hadda ku sugan magaalada Qabridahar masuuliyiinta ugu sarreeya laamaha ammaanka oo baaritaan ku haya arrintaas, ayuu intaas ku sii daray.

Siday wax u dhaceen?

“Ciidanka Liyuu Booliis ayaa ku baxay labo qabiil oo ay dhex taalay muran dhul, intii ay dajinayeen xaaladdaaasna waxaa ka dhaawacmay oo xabbad lagu dhuftay mid ka mid ah askarta oo ay rasaas iswaydaarsadeen qof shacab ah,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan.

“Ciidammadii oo wada askarigii dhaawaca ahaa iyo qofkii looga shakisnaa in uu dhaawaca gaystay ayaa soo maray tuulo aan ahayn meeshii dhibku ka jiray, rasaas ayay fureen labo ruux ayaana ku dhimatay rasaastaas mid kalana wuu ku dhaacmay, ayuu intaas ku sii daray.

Cabdiraxmaan ayaa ka tacsiyeeyay dilka foosha xun ee lagula kacay Daahir Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Macallin Sahal.

“illaahay ha u naxariisto, samir iyo iimaanna Allaha ka siiyo qaraabada, sidoo kale illaahay ha caafiyo askariga iyo wiilka kale ee dhaawaca ah”, ayuu intaas ku sii daray

Wasiir Cabdiraxmaan oo sidoo kale ah madaxa arrimaha siyaasadda ee xisbiga talada haya ayaa sheegay in caddaaladda lala tiigsan doono cidkasta oo dhacdadaas ku foosha xun ku lug yeelata.

“Ciidammada Liyuu booliiska isbadal ballaaran ayaa lagu sameeyay, garaadkooda iyo hab dhaqankooda xuquuqda aadanaha ayaa sare loo qaaday, marka uu khalad ka dhacana waa lagula xisaabtami” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Sida dhacdadan loogu faafiyay baraha bulshada “oo laga dayriyay”

“Waxaa baraha bulshada la soo dhigay mayd, waa arrin fool xun, waa arrin xannuun kale ku abuuraysa ehelka iyo qaraabada waa arrin aan bani’admino ahayn oo ay tahay in laga waan toobo” ayuu yidhi wasiirka oo ku sugan qabriga mid ka mid ah labada marxuum.

“Itoobiyo waxay dhawaan meel marisay shuruuc la xiriirta si xun u isticmaalka baraha bulshada, waxaa jira shuruuc qabanaysa dadka hadallada kicinta ah qora, marka dadku ha ogaadaan in aysan qori karin wixii ay rabaanba.” Ayuu intaas ku sii daray.

Tan iyo intii ay timid xukuumadda cusub waxaa soo baxay qabiillo caddaysanaya waxa ay dhexdooda kala tirsanayaan ama xukuumadda ka tirsanayaan, inkastoo loo arko astaan muujinaysa xoriyatul qawl hadda culayska ugu wayn ee dawladda soo foodsaaray ayaa ah sidii ay u maarayn lahayd in aan lagu xadgudbin xoriyaddaas hadalka.

“Waa in aan lagu xadgudbin saraynta sharciga” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top