Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan Mubaarik Bidhi Oo Bilad Sharaf La Gudoonsiiyay

focus

Xildhibaan Mubaarik Bidhi Oo Bilad Sharaf La Gudoonsiiyay

(SLT-Burco)-Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi {Bidhi} Ayaa Noqday Shamac U Baxay Guud Ahaan Gobolka Togdheer Iyo Gobolada Bariba , Xildhibaanka Ayaa Dedaal Karti Iyo Fir Fircooni Badan Waxa Uu Xili Kasta Ugu Jiraa Sidii Gobolka Togdheer U Noqon Lahaa Hormuudka Gobolada Soomaliland , Xildhibaan Bidhi Ayaa Gacantiisa Ku Fuliya Arimo Danta Guud Ah Oo Uu Si Tabarucaad Iyo Iskaa Wax U Uqabso Uu Ugu Fuliyo Gobolkiisa Iyo Dadkii Soo Doortay
Dhalinyarada Waayeelka Iyo Wax Garadka Gobolka Ayaa Iyaguna Ah Kuwo An Ka Abaal Ka Darin Wax Qabadka Muuqda Ee Uu Xildhibaanku Ka Gaysto Gobolkiisa ,
Xildhibaankan Ayaa Ah Xildhibaanka Kaliya Ee Sida Qoraxda Uga Dhex Ifaya Xildhibaanadii Isku Wakhti La Doortay.

Mar Uu Ex Wasiir Qabyo Tire Uu Xildhibaan Bidhi Ka Hadlayay Kartidiisa Ayaa Waxa Uu Yidhi
” Xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi {Bidhi} Bulshada Gobolka Togdheerey Waa Waslad Dahaba Oo Burco Hantiday ”
Masoo Koobi Karo Wax Qabadyada Faraha Badan Ee Uu Isu Xilqaamay Xildhibaanku Si Uu Gobolkiisa Ugu Horumariyo

Habeenimadii Xalay Ayaa Barnaamij Lagu Qabtay Magaalada Burco Oo Loogu Magac Daray {Qiimee Awards} Oo Looga Jeedo Qiimee Qofkaaga, Waxaa Xildhibaanka Lagu Maamuusay Isla Markaana Ay Dhamaan Uga Markhaati Kaceen Dadkii Kasoo Qayb Galay Barnaamijkaasi Inuu Yahay Xildhibaanka Kaliya Ee Gutay Isla Markaana U Qalma In Dalka Xil kan Kasii Sareeya Loogu Dhiibo Si Dadka Iyo Dalkuba Horumar U Gaadhan ,
Xildhibaanka Ayaa Bilad Sharaftii Abid Gobolka U Mudnayd Ee Shaqsi Lasiiyo Lagu Maamuusay

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top