Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiir Ka Tirsan Dowladda Ingiriiska Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne Donald Trump

focus

Wasiir Ka Tirsan Dowladda Ingiriiska Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Madaxweyne Donald Trump

(SLT-London)-Wasiir ka tirsan xukuumadda UK ayaa dhaliilay weerarka afka ah ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku hayo guddoomiyaha magaalada London Sadiiq Khan.

Wasiirka arimaha gudaha UK Sajid Javid ayaa ku booriyay in Trump uu faraha kala baxo siyaasada gudaha UK uuna Joojiyo dhaleeceynta uu ku hayo guddoomiyaha Caasimada London.

Hadalkaan ayaa jawaab u ah qoraal uu xilli hore ee isniinta shalay ahayd soo dhigay Trump barta uu ku leeyahay Twitter-ka oo uu sheegay in Imran Khan uu yahay cudurka ka jira magaalada London.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in Khan aanu awood u laheyn waxkaqabashada amni darada ka jirta caasimada UK.

Sajid Javid oo ka mid ah wasiirada muhiimka ah ee dalka Ingariiska ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka ka Pakistaan waxaana uu ka mid yahay shaqsiyaadka ugu cad cad ee badali doono Ra’isul wasaaraha UK Theresa May.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top