Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlada Masar Oo Lagu Eedeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Maxamed Mursi

focus

Dowlada Masar Oo Lagu Eedeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Maxamed Mursi

(SLT-Qaahira)-Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Wacht ayaa ku dhaleeceysay xukuumada Masar geerida ku timid madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi.

Mursi oo ku dhintay Isniinta shalay ahayd Cisbitaal ku yaalla magaalada Qaahira ayaa Jooga ka dhacay xilli uu taagnaa Maxkamada si loo dhagaysto danbiyo ay dowlada ku Eedeysay.

Sarah Leah oo ah Agaasimaha Hey’adda u dooda xuquuqda Aadanaha ee bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika ayaa ku dhaliishay Masar in ay ka gaabisay daaweyntiisa.

Maxamed Mursi ayaa qabay cudurka macaanka waxaana qoyskiisa ay sheegeen in loo diiday adeega caafimaad ee uu u baahnaa.

Sanadkii hore ayay aheyd markii saddex xubnood oo ka tirsan baarlamaanka UK ay ka digeen daryeel la’aanta Mursi ay sababi doonto in uu u geeriyoodo.

Maxamed Mursi ayaa la xidhay bishii Jully ee Sanadkii 2013-kii waqtigaas oo uu afganbi ku sameeyay Abdi Fatah Al-Siisi oo ka mid ahaa saraakiisha Amniga Masar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top