Connect with us

somalilandtoday.com

Ruushka Oo Beeniyay In Uu Faragaliyay Doorashada Baarlamaanka Midowga Yurub

focus

Ruushka Oo Beeniyay In Uu Faragaliyay Doorashada Baarlamaanka Midowga Yurub

(SLT-Moscow)-Sarkaal ka tirsan ciidanka amniga Ruushka ayaa beeniyay in Moscow ay faragalin ku sameysay doorashadii baarlamaanka ee midowga Yurub bishii la soo dhaafay.

Warbaahinta Yurub ayaa ku eedeysay Ruushka in uu doonayay in xisbiyada midig ay Guulaystaan.

Xoghayaha guddiga amniga Alexander Venediktov oo wareysi siiyay wargeyska Rossiyskaya ayaa beeniyay faragalinta lagu eedeeyay.

Venediktov ayaa tilmaamay in ayna jirin caddeyn muujineysa arintaan.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo sanadkii 2016-kii dowlada Ruushka lagu eedeeyay in uu faragaliyay doorashadii madaxtinimo ee Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top