Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Lagu Eedeeyay In Uu Ka Dambeeyo Maraakiibta Shidaal Ee Lagu Weeraray Khaliij-ka

focus

Mareykanka Oo Lagu Eedeeyay In Uu Ka Dambeeyo Maraakiibta Shidaal Ee Lagu Weeraray Khaliij-ka

(SLT-Iran)-Waa wax aan suura gali karin in dal jecel nabada sida Iiraan oo kale uu raadiyo dagaal, sidaasi waxaa sheegay qoraa iyo falanqeeye siyaasadeed oo u dhashay Mareykanka.

Millatariga Mareykanka ayaa ku eedeeyay dowlada Iiraan laba weerar oo ka dhacay laba weerar oo lagu qaaday maraakiib shidaal oo mareysay xeebaha Cumaan.

Iiraan ayaa diiday sheegashada Mareykanka iyadoo Washington ay ka digtay weeraro hor leh oo ka dhaca xeebaha Khaliijka.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Iiraan qaramada midoobay u qaabilsan ayaa loogu baaqay in Mareykanka iyo dalalka carbeed ee saaxiibka la ah inay Joojiyaan daandaansiga ay ku hayaan Iiraan.

Stephen Lendman oo falanqeeya siyaasada una dhashay Mareykanka ayaa sheegay in been abuur ay tahay weerarada lagu eedeeyay Iiraan.

Lendman ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel in ay ka danbeeyaan weerarka lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee bishan iyo Bishii May lagu qaaday Maraakiib Shidaal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top