Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Eedaymo Loo Soo Jeediyay Duuliyeyaasheedii Dhintay

focus

Itoobiya Oo Ka Jawaabtay Eedaymo Loo Soo Jeediyay Duuliyeyaasheedii Dhintay

(SLT-Addis Ababa)-Duuliyeyaashii waday diyaaraddii Ethiopian Airline ee dhacday bishii March ee ay ku dhinteen 157 ruux wax dambi ah ma aysan lahayn, sida uu sheegay agaasimaha guud ee shirkaddaasi diyaaradaha.

Eedaymaha shaqaalaha loo jeediyay waxay ahaayeen “kuwo aan waxba ka jirin oo la isla wadaagay” ayuu yiri Tewolde GebreMariam oo la hadlay BBC.

Wuxuu kajawaabayay hadal ka soo yeeray qof ka tirsan aqalka Congaress-ka ee dalka Maraykanka oo sheegay in ciladda ku timid diyaaradda ay masuul ka ahaayeen duuliyeyaashii diyaaradda.

Diyaaradda Boeing 737 Max ayaa dhacday lix daqiiqo ka dib markii ay ka duushay magaalada Addis Ababa.

Diyaaradda Itoobiya ee duulimaad lambarkeedu ahaa ET302 ayaa noqotay diyaaraddii labaad ee nooceedu yahay 737 Max ee burburta muddo shan sano gudaheed ah.

Diyaarad ay leedahayLion Air oo ay midda Itoobiya isku nooc ahaayeen ayaa ku dhacday badda Jakarta bishii Oktoobar ee sannadkii 2018.

Warbixinnada hordhaca ah eeee labada shilba waxay muujiyeen in ay horseedday qalabka lagu maamulo duulimaadka oo amar isa siiyay ka dib markii uu akhriyad cillad aan jirin.

Sam Graves oo ka tirsan Aqalka Congress-ka ayaa Washignton ka sheegay bishii hore in “xaqiiqdii warbixinta hordhaca ah ay muujinayso in ciladdu ay ka dhalatay khalad ka yimid duuliyeyaasha”.

Isaga oo hadalka sii watana wuxuu sheegay in “duuiyeyaasha lagu tababaray Maraykanka ay si buuxda u maarayn lahaayeen xakamaynta xaaladda”.

Tewolde oo arrintaas ka jawaabaya ayaa BBC-da u shegay in Graves “uusan gacanta ku hayn xaqiiqada”.

Warbixinta hordhaca ah ayuu sheegay “in ay si cad u muujisay in duuliyeyaashu ay si wanaagsan u mareen nidaamka”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top