Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Ka Dhacay Kenya Oo Ay Ku Dhinteen 10 Askari Oo Ka Tirsan Ciidammada Dalkaasi

focus

Qarax Ka Dhacay Kenya Oo Ay Ku Dhinteen 10 Askari Oo Ka Tirsan Ciidammada Dalkaasi

(SLT-Kenya)-Ku dhawaad 10 askari oo ka tirsan ciidammada ciidamada Kenya ayaa ku dhintay, kaddib marki baabuur ay la socdeen maanta miino lagula beegsaday inta u dhaxeysa deegaannada Qoraf Xaraar iyo Konton oo aad ugu dhaw xadka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidammada la weeraray ay ka tageen magaalada Wajeer iyaga oo kusii jeeday deegaanka Konton.

Lama oga tirada saxda ah ee saarneyd gaariga qaraxa lala eegtay, balse warbaahinta maxalliga ah ee Kenya ayaa sheegtay in loo maleynayo in weerarka lagu dilay 13 askari.

Deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa habeen hore lagu afduubtay ilaa sadex ka tirsanaa ciidanka keydka Kenya, kuwaasoo ay afduubteen maleeshiyo ka tirsan Al Shabab.

Ma ahan marki ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan booliska iyo millatariga Kenya lagu weeraro deegaanada dhaca xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top