Tan iyo intiii uu madaxweynaha jamuuriyada Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu xilka qabtay waxaa furantay suaalihii ay warbaahintu sida tooska ah u waydiinaysay madaxweynaha kadib shan sanno oo ay warbaahinta iyo madxweynihii horre ee Somaliland Axmed siiraanyo aanay is arrag ama aanay suaalo tos ah waydiin.
Waxaa xusid mudan in madaxweyne Biixi uu dhawar goor warbaahinta isugu yeedhay isago suaalo badan uga jawaabay ayaa haddana waxaa so baxaysay suaal marka ay warbaahintu waydiisaba uu madaxweynuhu is badalaayay ama uu dhibsanaayay in suaashaas la waydiiyo.
Suaashan oo nuxurkeedu ahayd “in beesha uu madaxweynuhu ka soo jeedo ay xilalka qaranka uga badantahy beelaha kale
somaliland.
Su’aashan ayaa marka ay warbaahintu madaxweynaha waydiinayso waxay ugu soo hal
qabsadaan fiidiyow Dhawar iyo labatan sanno kahor laga duubay kaas oo
madaxweynihii waqtigaas joogay AUN Maxmed xaaji Ibraahim Cigaal uu madaxweyne
Muuse uu ku canaanayo in xilalki qarranka uu udhiibay inay ay isku suladaan
yihiin ama ay isku reer yihiin hadalaka madaxweynahana waxaa ka mid ahaa “ Maxamed xaaji Ibaraahim
Cigaalow mudane madaxweyne ma sideetan jirbaa tahay ma afartan sanno ayay
Somaliland tallo ku jirtay ma sagaal sanno ayaad Somaliland hor fadhiday ma maantaad salaadintii diintii ku caleemo
saartay aad tikniko udalbatay adeer ma maanta ayaad awoodii ku soo ururuusiay
in aad isku suldaan tihiin” dakhiligii (wasiirka arrimaha gudaha) xakimkii
sarre, xeer ilaalintii, taliye ciidan ma
maanta ayaad awoodii ku soo uruurisay in suldaan idin wadda xukumo.’’
Madaxweyne Muuse biixi markii u waqtigaa la joogay waxa uu arkayay in awooda
qarran oo la wadda yeesha ay Somaliland ku socnayso ama ay horumar balaadhan ku
gaadhayso lakiin maanta mooyi si madaxweynu wax u waddo.
Waqtigii ugu danbeeyay ee madaxweynaha suaashan la weydiiyay waxa uu kaga jawaabay jawaab udhignayd siddan” waxaan ka xasuustaa horta da’ddu waa da’dii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalna wasiirkiisii daakhaligaan ahaa barigaa maad joogin waa laguu sheekeyay un ee waa runtaa oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal intaa waan ku canaantay waxaanan ugu canaantay qalad waqtigaa joogay un baan ka qabanayay khaldkaaina waxa uu ahaa saladiintii farha badnayd ee Somaliland ay ku shireen gurigga suldaan barre oo dad caqli xumi intay u taliyeen ay ku yidhaahdeen ciidanku ha weerareen oo taangiyo la soo dhaqjiyay taangigii la soo dhaqjyayna waxaan ahaa ninkii utagay eek u yidhi waar maad waalanatay xagaad Maxamedna intaan ugu gurigiisa ayaan intaa iy in ka badan ku idhi oo saxaafaddana ka idhi’’ jawaabtaas oo u muuqatay mid aan ahayn tii ku haboonayd suashiii la waydiiyay isla markaa u eekayd sheeko majarre habaabin ah ama dadka lagu maweelinayo.
Shaki kuma jiro in madaxweynuhu ogyahy in Guddomiyaha maxkamadda sarre,
guddomiye ku xigeenka maxkamadda
wasiirka maaliyaada, Taliyaha ciidan ay isku suldaan yihiin lakiin
waxaynu sugayanaa in ummadda uu qanciyo.