Connect with us

somalilandtoday.com

Dil Wadareed Argagax Leh Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Galkacayo

focus

Dil Wadareed Argagax Leh Oo Xalay Ka Dhacay Magaalada Galkacayo

(SLT- Galkacayo)-Rag hubaysan ayaa xalay 9 qof ku dilay koonfurta Magaaladda Galkacayo ee gobolka Mudug, dilkan ayaa ka dambeeyay markii Koox ku hubaysan bastoolada ayaa xalay fiidkii ku dileen Magaaladda Cali Tahliil Cadceed oo ahaa sargaal ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya, gaar ahaan qaybta qaabilsan Galmudug.

Dil wadareedkaas ka dhacay magaalada Galkacayo ayaa waxaa kaloo ku dhaawacmay laba qof oo kale.

Dadka la laayay ayaa dhammaan ka soo jeeda Maamul goboleed Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Ciidamada amniga Galmudug ayaa bilaabay inay baadigoobaan kooxihii ka dambeeyay Dilka 9 qof

Dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhacay degaanada maamul goboleedka Galmudug, iyadoo toddobaadkii hore lagu dilay 4 qof, kuwasoo ka soo jeeda Koonfur Galbeed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top