Connect with us

somalilandtoday.com

Suxufi Ka Shaqeeya Baadhitaanada Qarsoon Oo Lagu Xidhay Dalka Ruushka

focus

Suxufi Ka Shaqeeya Baadhitaanada Qarsoon Oo Lagu Xidhay Dalka Ruushka

(SLT-Moscow)-Boqolaal qof ayaa maanta dibadbax balaadhaan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Moscow ee dalka Ruushka kaasi oo looga soo horjeedo xadhiga saxafi ka shaqeeya baadhitaanada Qarsoon.

Ivan Golunov oo mudo toddobaad ah xidhnaa ayaa la sii daayay shalay kadib cadho ka Dhalatay.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay saraakiisha Booliska, sida ay ula dhaqmeen saxafigaan rug Cadaaga ah.

Dowlada ruushka ayaa dib uga laabatay dhamaan dacwadihii ka dhanka ahaa Wariyahaan.

Inkastoo la sii daayay wariyahaan ayaa dhanka kale taageerayaashiisa waxay qaateen in ay banaanbaxaan si ay uga dhiidhiyaan xadhiga loo geestay waxaana ay ugu baaqeen in la ciqaabo askartii ku lugta laheyd Ficilkaan.

Booliska ruushka ayaa dhanka dibadbaxaan ku xidhay dhowr qof waxaana ka mid ahaa hogaamiyaha isbaheysiga mucaaradka Alexei Navalny.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top