(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa noqotay dowladda ugu soo iibashada badan hubka laga soo bilaabo sanadkii 2014 illaa 2018.
Sida ay sheegtay xog aruurin la sameeyey Sanadkii 2018, Dowladda Mareykanka ayaa sii waday in ay hubka ka iibiso dowladda Sacuudiga 88% marka loo fiiriyo dowladaha kale oo ay hubka ka iibiso.
Intii u dhaxeysay 2014 illaa 2018 Dowladda Sacuudiga ayaa iibsatay 22% hubka ay Dowladda Mareykanka suuq geyso, taasoo ah sare u kac aad u weyn marka loo fiiriyo sanadkii 2019-2013 oo ay aheyd 4.9%.
Saanadaha Ciidamada oo ay Sacuudiga heshay 2014-2018 ayaa waxaa kamid ah 56 diyaaradaha dagaalka oo ay ka iibsatay Mareykanka, iyo 38 kale oo ay ka iibsatay Ingiriiska sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay International Peace Research Institute (SIPRI).