Connect with us

somalilandtoday.com

Mucaaradka Suudaan Oo Codsaday In Ciidan Boolis Ah Lagu Wareejiyo Ammaanka Magaallooyinka

focus

Mucaaradka Suudaan Oo Codsaday In Ciidan Boolis Ah Lagu Wareejiyo Ammaanka Magaallooyinka

(SLT-Khartoum)-Isbahaysiga Xooggaga Mucaaradka ee dalkaasi ayaa waxa ay ku baaqeen in Milliteriga laga wada saaro magaallooyinka, laguna soo bedelo ciiddanka Boliska, si looga badbaado dilalka loo geysto Dibadbaxayaasha.

Mucaaradka waxay hadalkaasi ka sheegeen mar ay la kulmeen Ergayga cusub ee Maraykanka u joogi doona Suudaan, Donald Booth, waxayna sheegeen inay taasi muhiim u tahay in Milliteriga laga wada daad-gureeyo gudaha magaallooyinka, gaar ahaan Caasimadda Khartuum.

Telefishinka Sky News Arabia ayaa sheegay in Mucaaradka ku baaqeen in sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo dhamaan Maxaabisita Siyaasadda, lana dhowro Xorriyadda Saxaafadda ee dalka Suudaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top