(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxa la dareemayay inuu jeediyay khudbado badan kuwaas oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka dalka ka jira, isla markaasna aanu ku darayn wax talaabo ama qorshe ah oo arintaas ay xukuumadiisu ku wajahayso.
Madaxweynaha oo si xogogaalnimo ah uga sheekeeya waxyaabo
badan oo dalka dhibaatooyin ku haya oo uu qaarkood gaadhsiiyo aafo qaran ayaanu
hadana soo bandhigin siyaasad xukuumadiisu ay ka qaadnayso ama ay ka qaadatay
si dhibtaas wax looga qabto.
Tusaale ahaan madaxweyne Biixi waxa uu ka hadlay
khudbadii salaada ciida isaga oo shacabka Somaliland ku dhiiri galiyay in
qofkii qof dila meel looga soo wada jeesto lana fuliyo qisaasta oo alle sheegay
inay nololi aadmiga ugu sugan tahay, laakiin madaxweynuhu ma sheegin wax
talaabo ah oo uu ka qaadayo dadka xabsiyada ka buuxa iyaga oo dil lagu xukumay
ee sugaaya fulintiisa oo kaliyaata, waxaanu khudbada uu jeedinayay bishii
lixdaad /4/2019 maalintii ciida uu yidhi, “ Umad ahaan waxaan isku dardaaraynaa
dilka oo inagu batay oo ninkii wax dilay aad moodo In sidii islaamku ina faray aan loogu wada gurmanayn,
oo dad kale siyaabo kale iyo qarqarin iyo
la dhuumasho, alle ayaa inoo sheegay oo yidhi qisaasta aadmiyow nolol
ayaa idiinku jirta, waxaynu isku dardaaraynaa dhamaanteen qofkii qof islaam ah
badheedh u dila in aynu gacan ku soo wada qabano oo waxii kitaabkaas alle ku
soo dajiyay la mariyo.”
Bishii shanaad
26/2019 xaflada qalin jabinta ardaydii loo qaatay barnaamijka shaqo
qaran waxa uu madaxweynuhu kaga hadlay dhibaatada dalka uu qaadku ku hayo,
waliba waxa xusid mudan in khudbado aad u badan uu madaxweyne Biixi ku qeexay
dhibaatada uu dalka ku hayo wali madaxweynuhu muu sheegin tallaabo uu ka
qaadayo qaadka “ maalintu waa 24
saacadood markaad 18 saacadood qaad u fadhido oo caafimaadkaagii iyo
naftaadiiba aad disho oo aad maskaxdaadii walaac galiso habeenkiina warwar iyo
baqe aan aduunka jirin aad gasho aroortiina wax walba aad ka shakido oo aad tidhaahdo maxaa la qaban karayaa waxba
la heli maayo waa layna waalayaaye caqligaas dadkuu galaa meel ma gaadhaan
maantana dadkeena mushkiladaas ayaa ku badan waa inaan ka saarnaa. “
Madaxweyne Biixi bishii afaraad /17/2019 isaga oo ka dul hadlaayay aasaarta Laasgeel oo uu booqday waxa uu sheegay in Somaliland dalxiiska ay wax badan ka tabci karto laakiin talaabooyin xukuumadiisu xoojinta arintan ay ka qaadayso muu sheegin“ Goobaha taariikhda ah ee faraha badan ee magacyada badan aan u naqaano halkaas ka wada oo ilaa Saylac ka gaadha Camuudaas sodon sano ka hor suuqyada iyo guryaha oo dhan ayaa muuqday maantana baribaa la degay is odhan maysid, waxa ka mid ah Bulaxaar oo fooqyadu ciida hoosteeda ku jiraan waxa ka mid ah Calmadow imisa meelood ayaa ku yaala, waxaas oo dhami waxay u baahan yihiin in aynu isku xidhno oo wadooyin loo helo dadkuna u soo jeesto halkaas oo waxa yaala taariikh, aqoon iyo dhaqaale, dhaqaalaheenu waa uu kooban yahay waanan kori doonaa laakiin ahmiyad weyn ayaynu siin doonaa waxaana ka weyn in aynu dadka ku wacyigalino.”
Bishii sadexaad /14/2019 waxa uu madaxweyne Biixi isaga oo la hadlaayay jaaliyada reer Somaliland ee Imaaraadka uu ka hadlay in dumuqraadiyadu ay tahay xoriyad hadal oo aanu gacan ka hadal ku jirin, laakiin madaxweynaha waxa hada u xidhan guddoomiyaha garabka dhalinayrada xisbiga mucaaradka ugu weyn Sidiiq Dhame oo madaxweynaha ku dhaliilay xaaladii degdega ahayd ee u uu ku soo rogay gobalka Sanaag “ Dumuqraadiyadu waa ay inagu cusub tahay dhaqankeena may ahayn waa laynoo dhiibay laakiin waynu jeclaanay, waxii rag ku heshiiyana Soomaalidu waxay tidhaahdaa ma qadhmuuna markaas dhibteeda inaan qaadano oo barano weeye, laba isku heli mayno dimuqraadi ayaan noqnaynaa iyo waanu coloobaynaa waan isku xanaaqaynaa waan is dilaynaa isma qabtaan, dimuqraadiyada afkaa lagu kala baxaa, dimuqraadiyada labadaas kursi ee iska soo horjeeda ayaa laysu dhigtaa sidii aynu odhan jirnay reer Xamarku Ganbadh ayay isugu fadhiistaan ganbadhkuunbaa laysugu fadhiistaa ee gacanta layslama gaadho.
Madaxweyne Muuse Biix Cabdi oo xaaladaha dalka
inbadan uga hadla si xogogaalnimo ah
ayaan inta badan bulshada u soo bandhigin go’aamo uu gaadhay oo wax lagaga
qabanaayo dhibaatooyinka is biirsaday ee Somaliland, waxaanu marar badan
madaxweynaha hadalkiisu u muuqdaa in
aanu isagu ahayn qofka haya maanta mindida daabkeeda ee looga fadhiyo
dhibaatooyin badan oo Somalland ka jira siyaasadii lagu furdaamin lahaa.