Connect with us

somalilandtoday.com

Wadahadalladii Sudan Oo Dib U Bilaabmaya Iyo Shaqa Joojintii Oo La Soo Afjaray

focus

Wadahadalladii Sudan Oo Dib U Bilaabmaya Iyo Shaqa Joojintii Oo La Soo Afjaray

(SLT-Khartoum)-Isbahaysiga Mucaaradka dalka Sudan ayaa soo afjaray ololihii shaqo joojinta ah oo ujeedkiisu ahaa in cadaadis lagu saaro Militariga dalkaasi si ay xukunka ugu wareejiyaan maamul rayad ah.

Ergayga garaka ah ee dalka Itoobiya u qaabilsan dalka Suudaan oo dhex dhexaadinayay labada dhinaca ayaa sheegay in wadahadalada lagu dhisayo dowladda cusub ay si dhaqso ah dib ugu bilaaban doonaan .

Mahmoud Derir ayaa sidoo kale sheegay in golaha Militariga ay ogalaadeen in xabsiyada laga siidaayo dadka u xir arrimah siyaasadda

Ma jirto waqti cayiman oo loo qabtay in ay wadahadalada dib u soo cusboonaadaan ,balse waxay u muuqataa in go’aanka lagu dhawaaqay ilaa iyo hadda uu yahay mid ku filan in labada dhinac ay dib u bilaabaan wadaxaajoodka.

Mucaaradka ayaa horey ugu baaqayay dadka reer Sudan in ay ka qayb qaataan ololaha shaqa joojinta ilaa militariga ay xukunka ku wareejinayaan dowlad rayid ah.

Saddex maalin ka dib arrintaasi ma aysan hirgalin, balse mucaaradka ayaa imika shaqa ka fariisigaasi soo afjaray.

Qayb ahaan waxaa soo afjaridda arrintani sabab u ahaa in dad badan ay shaqooyinkooda sii wateen gaar ahaan milkiilayaasha ganacsiyada yaryar iyo dadka ku tiirsan shaqooyiinka maalin laha ah ee ay quutu daruuriga ku helaan.

Go’aankii ay militariga xabsiga uga siidaayeen maxaabiista dhanka siyaasadda ayaa hogaamiyayaasha dibadbaxyada siiyay rajo ay wadaxaajoodka dib ugu laaban karaan.

Balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa waxay ka soo horjeedsadeen in shaqa joojinta la soo afjaro.

Hogaamiyaha mucaaradka Sudan Yasir Arman oo isagu horey loogu tarxiilay magaalada Juba ayaa BBC u sheegay in uusan ka warqabin wax heshiis ah ooo ku saabsan in wadaxaajoodka dib loogu noqdo.

Shuruudda ugu wayn ee mucaaradka ku xireen in wadaxaajoodyada ay dib u soo cusboonaadaan ayaa ahayd in baaritaan caalami ah oo madaxbanaan lagu sameeyo dilkii 100 qof oo rayid ah toddobaadkii aanu soo dhaafnay la dilay,Balse arrintaas imika laguma heshiin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top