Connect with us

somalilandtoday.com

Dowlada Uganda Oo Xaqiijisay In Dalkeeda Uu Soo Gaadhay Cudurka Halista Ah Ee Ebola

focus

Dowlada Uganda Oo Xaqiijisay In Dalkeeda Uu Soo Gaadhay Cudurka Halista Ah Ee Ebola

(SLT-Kampala)-Dowlada Uganda ayaa xaqiijisay in dalkeeda uu soo gaadhay cudurka halista ah ee Ebola oo ka dilaacay dalka ay jaarka yihiin ee Dr. Congo.

Cudurkan ayaa la sheegay in laga helay cunug 5 sanno jir ah oo kamid ah qaxootiga ka yimid dalka DRC oo Axadii lasoo dhaafay tagay wadanka Uganda, Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in wiilkan yar hada lagu hayo goob gaar oo lagu dabiibayo.

Dalka Uganda ayaa heegan sare ku jiray tan iyo sanadkii tagay kadib markii cudurkan uu ka dilaacay wadanka DRC. Hay’ada caafimaadka WHO ayaa sidoo kale sheegtay inay dalkaasi u dirtay dhakhaatiir khaas ah si ay ulla dagaalamaan cudurkan.

Wadanka Uganda ayaa kamid ah dalalka ciidamadooda ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, sanadkii 2014 ayey dowlada Sierra Leone oo ay ciidamadeeda kamid ahaayeen AMISOM askarteeda kala baxday Soomaaliya kadib markii uu cudurka Ebola dalkaasi ku faafay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top