Connect with us

somalilandtoday.com

Afar Qof Oo Kulayl Ugu Geeriyooday dalka Hindiya

focus

Afar Qof Oo Kulayl Ugu Geeriyooday dalka Hindiya

(SLT-Delhi)-Inta la ogyahay Afar Qof baa kulayl daran ugu dhex dhintay Tareen ay ku safrayeen Waqooyiga Dalka Hindiya.

Women fetch water from an opening made by residents at a dried-up lake in Chennai, India, June 11, 2019. REUTERS/P. Ravikumar

Kulaylkan ayaa Labadii Toddobaad ee u dambeeyay halkaasi ka taagnaa, sida ay sheegeen Madaxda Dalkaasi.

Afarta Qof ayaa Geeriyooday Isniintii xilli ay ka soo safrayaan Caasimadda Magaalada Agra, waxayna ku socdeen Coimbatore oo Koonfurta Hindiya ku taalla.

Afarta Qof ayaa Xaaladdoodu is beddeshay markii Tareenku muddo safrayey, nasiib-darro’se markii Xaaladdooda lagu wargeliyey Maamulka Tareenka ee la geeyay Cisbitaal nafba laguma gaadhin, sida uu sheegay Ajit Kumar oo ah Afhayeenka Maamulka Tareennada Hindiya.

Kulaylka ayaa gaadhay 45 Degree deegaanka Jhansi oo ah Waqooyiga Gobolka Uttar Pradesh, ahna halka naftu ku qabatay afarta Qof ee Geeriyooday.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top