Connect with us

somalilandtoday.com

“Shirka Boqor Buurmadaw Iclaamiyey Maaha Dambi, Cidina Ma Joojin Karto” Jaamac Shabeel Oo Taageeray Shirka Beelaha Habar-jeclo Iyo Garxajis

focus

“Shirka Boqor Buurmadaw Iclaamiyey Maaha Dambi, Cidina Ma Joojin Karto” Jaamac Shabeel Oo Taageeray Shirka Beelaha Habar-jeclo Iyo Garxajis

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan Shirka uu ku baaqay Boqor Buuramdow ee labada Beelood ee Barriga iyo Galbeedka Burco, waxaanu sheegay in haddii labada Beelood isfahan ka gaadhaan qabsoomida Shirka in aanay jirin cid hor istaagi kartaa, xilli la sheegay in Xukuumadda Somaliland raali aanay ka ahayn qabashada Shirkan.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Beel kastaaba wey shirtaa, oo danaheeda iyo arimaheeda ayey ka shirtaa, Beel iyo laba Beelood iyo in ka badana dantooda iyo arimahooda wey ka shiri karaan, dambina maaha inay Beeluhu arimahooda iyo danahooda ka shiraan, Shirkan Boqor Buurmadaw iclaamiyeyna maaha dambi, cidina ma joojin karto, haddii labada Beelood isku af gartaan oo ay ka heshiiyaana wuu qabsoomaya”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top