Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaarad Helikabtar Ah Oo Ku Dul Burburtay Dhisme Ku Yaalla Magaalada New York

focus

Diyaarad Helikabtar Ah Oo Ku Dul Burburtay Dhisme Ku Yaalla Magaalada New York

(SLT-New York)-Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ku dhacday dhisme dabaq ah oo ku yaalla badhtamaha magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Duuliyihii waday diyaarada ayaa ku dhintey iyadoo diyaaradan aan la ogeyn sababta ay ugu dul dhacday dhismahan.

Shaqaalaha gurmadka deg-deg ah ayaa gaadhay goobta uushilkan ka dhacay oo ah wadada 787 Severnth Ave.

Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay burburka diyaarada iyadoo aan la ogeyn halka laga lahaa diyaarad helikabtarka ah oo nooceeda lagu sheegay Agusta A109E.

Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay in diyaaradan ay ugu dul dhacdo dhismahan oo aan lahayn meel ay diyaarad ku degi karto. Balse warar ayaa sheegaya in duuliyaha diyaarada burburtay uu sheegay inay mushkilad haysato.

Qiiq madow ayaa laga arki karay saqafka sare ee dhismahan 51dabaq ah iyadoo Boolisku amreen in dadka ku jira ay ka baxaan.

Guddoomiyaha New York Andrew Cuomo oo gaadhay dhismaha ay diyaaradan ku dul dhacday ayaa sheegay in aan la ogeyn tirada dadka saarnaa diyaarada, waxana uu sheegay in xaaladu degen tahay shilkana uu ahaa mid caadi ah oo uusan la xidhiidhin falalka argagaxisada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top