Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo Xil U Magacawday Fannaanka Caanka Ah Ee Nimcaan Hilaac

focus

Dawladda Soomaaliya Oo Xil U Magacawday Fannaanka Caanka Ah Ee Nimcaan Hilaac

(SLT-Muqdisho)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska dalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa u magacaabay fanaanka caanka ah Nimcaan Cabdirahmaan Hassan (Hilaac) Agaasimaha wax soo-saarka iyo Howl-galinta Hobolada Qaranka Waabari.

Nimcaan Cabdirahmaan Hassan (Hilaac) ayaa deegaan ahaan wuxuu kasoo jeeda Somaliland gaar ahaan magaalada Boorame ee Gobolka Awdal, waxaana xusid mudan inuu dhowr mar cadaadis kala kulmay xukuumadda Somaliland, iyadoona xitaa gurigiisa magaalada Boorama lagu weeraray.

Wasiirka warfaafinta, ayaa isla wareegtadan xilkii Agaasinnimo kaga qaaday Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi, Maxamed Xasan Barrow.

Agaasimihii hore ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa loo magacaabay in uu noqdo la taliyaha wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee arrimaha horumarinta Fanka iyo isku xidhka Kooxaha heer Qaran.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top