Connect with us

somalilandtoday.com

Askar Maraykan Ah Oo Miino La Qaraxday

focus

Askar Maraykan Ah Oo Miino La Qaraxday

(SLT-Oullam)-Gaadhi ay leeyihiin ciidammada Maraykanka ayay miino la qaraxday isaga oo sii galaya goob tababar uu ka socday oo u dhaw magaalada Oullam ee koonfurta galbeed ee dalka Niger, sida uu milatarigu sheegay.

Dhimasho ma jirto balse xaaladda askarta “ayay qiimayn ku socotaa” sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay ciidammada.

Ciidammada ayaa ku safrayay gaardhi ayna miinadu karin marka uu qaraxu dhacay.

Ciidammada Maraykanka ayaa dalka Niger ka caawinaya dagaalka uu kula jiro kooxaha jihaaddoonka ah ee gobolka.

Sannadkii 2017 afar askari oo Maraykan ah iyo afar askari oo reer Niger ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhaw xadka Mali.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top