Connect with us

somalilandtoday.com

Xulka Portugal Oo Ku Guulaystay Koobka UEFA Nations League Kana Horqaaday Xulka Netherlands… + SAWIRRO

advertise

Xulka Portugal Oo Ku Guulaystay Koobka UEFA Nations League Kana Horqaaday Xulka Netherlands… + SAWIRRO

(SLT-Prtugal) Xulka qaranka Portugal ayaa ku guuleystay koobka UEFA Nations League, wuxuuna noqday xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta koobkan, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Netherlands.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada xul qaran ee Portugal iyo Netherlands ayaa waxay halkooda ka sii wadeen sameynta fursadaha ay ku doonayeen inay goolal ku dhaliyaan.

Daqiiqadii 60-aad xiddiga lagu magacaabo Goncalo Guedes ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Portugal kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Bernardo Silva, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Ugu dambeyntii marti galiyaasha tartankan ee xulka qaranka Portugal ayaa guul kaga gaaray dhigooda Netherlands 1-0, waxayna gacanta ku dhigeen koobka UEFA Nations League, iyagoo noqday xulkii ugu horeeyay ee ku guuleysta koobkan oo markii ugu horeysay la bilaabay sanadkan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top