Connect with us

somalilandtoday.com

Ururka Al-shabaab Oo La Wareegey Deegaano Ka Mid Ah Maamulka Puntland

focus

Ururka Al-shabaab Oo La Wareegey Deegaano Ka Mid Ah Maamulka Puntland

(SLT-Boosaaso)-Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin la wareegay gacan ku haynta tuulada Af-urur oo qiyaastii 90 Km dhinaca Koonfureed kaga began magaaladda Boosaaso, xarunta gobolka Bari ee Puntland.

Qabsashada al-shabab ee Tuuladan ayaa timid, kadib markii 30kii bishii la soo dhaafay ee May ay ciidamada daraawiishta Puntland isaga baxeen Saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaas, sida uu VOA u sheegeen dadka deegaanka.

Wax khasaaraha ah oo ka dhashay la wareegista al-shabab ee tuuladan lama soo sheegin.

Sababta ay ciidamada Puntland uga baxeen Tuulada Af-urur ayaa, sidoo kale la ogeyn, iyadoo maamulka Puntlandna aanu ilaa iminka wax war ah ka soo saarin xaaladan ka soo cusboonaatay koonfurta Boosaaso.

Tuulada Af-urur ayaa dhowr goor oo hore waxaa ka dhacay dagaal iyo iska horimaadyo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-shabaab kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top