Connect with us

somalilandtoday.com

Taliyihii Guutada 3-Aad Ee Dalka Yemen Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Xudeydah

focus

Taliyihii Guutada 3-Aad Ee Dalka Yemen Oo Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Xudeydah

(SLT-Yemen)-Taliyihii Guutada 3-aad ee dalka Yemen, Cali Axmed Qatmul iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ah ayaa lagu dilay qarax lala beegsaday gaadhigii ay la socdeen oo marayey Degmadda Khokha ee duleedka magaalada dekedda leh ee Xudeydah.

Sarkaal Millatari oo la hadlay wakaalladda Wararka Shiinaha ayaa sheegay inuu Taliyahaasi qaraxu qabsaday, xilli uu doonayey inuu soo kormeero fadhiisimadda ay Ciiddanka taabacsan Dowladda Yemen ka joogaan magaalada Xudeydah ee kaabiga ku haysa Badda Cas.

Dhinaca kale, Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay madaafiic culus ku garaaceen Fadhiisimadda Ciiddankaasi ku lahaayeen Degmooyinka Tuxyata, Durayhami iyo hays ee magaalladda Xudeydah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top