Labadda Beelood Ee Garxajis Iyo Habar Jeclo Waa Labadda Beelood Ee Ugu Badan, Uguna Dhulka Balaadhan Dhulwaynaha Somaliland Iyo Itoobiya, Shirar Colaado Dhexmaray Oo Ay Ku Heshiiyeen Mooyaanee, Weligood Taariikhda Inta Lagu Hayo Shirwayne Ay Iclaamiyaan Beelaha Habar Jeclo Iyo Garxajis Waa Kii Ugu Horeeyey Abid Ee Haddii Uu Qabsoomo Taariikhda Baal Dahab Ah Ka Gelaya Insha Allaah, Labadan Beelood Waa Laba Beelood Oo 85% Ay Wadaagaan Diin, Dhalasho, Dhiig, Xidid, Iyo Deegaan,
Waa Nimcooyinka Aanay Inta Badan Aanay Wadaagin Beelaha Kale Ee Somaliland, Oo Aan Laga Helayn Laba Beelood Oo Boqolaal Sano Dagaalo Dhexmaray Haddana Haddii Cadoow Soo Weeraro Beel Ahaan Meel Looga Soo Wada Jeedanayo, Oo Aanay Noqon Laba Beelood Oo Deegaamada Ku Kala Guuro, Oo
Aanay Ka Dhaxaynayn Diin, Dhalasho, Dhiig, Xidid Iyo Deegaan.
Shirka Uu Ku Dhawaaqay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Ee Dhexmari Doona Beelaha Garxajis Iyo Habar Jeclo Insha Allaah Waxaan Aad Iyo Aad Ula Yaabay Saskan Wayn Ee Ay Ka Qabaan Shaqsiyaad Aad U Tiro Yari Inaanu Shirkaasi Munaasib Ahayn, Ama Ay U Jeedaan Garxajis Waa Cadoowgayaga Koowaad, Ama Ay ILaashanayaan Masaaliix Ama Dano U Gaara, Ama Wax Loogu Yeedho Jeegaan!!!!!!.
Shaqsiyaadka Shirka Uga Qayliyay Sida Fiinta Waxaad Moodaa In Uurkii Hooyadood Lagu Gumaysan Jiray Ama Awoowyaashood La Gumaysan Jiray.
Shirka Labadda Beelood Ee Lagu Rajo Wayn Yahay Inuu Qabsoomo Allaah(Swt) Waxaan Ka Baryayaa Inaanu Shirkaasi Noqon Mid La Xagal Daaciyo, Ama Kabo Caaglayaal Lagu Soo Darin, Ama Aanu Noqon Shir Fashilmay Oo Arrinkiisu Ahaa Laab La Kac, Ama Hunguri, Ama Dano Beel Gooni Leedahay Uu Ku Kooban Yahay.
Beelaha Walaalaha Ah Waxaan Kula Talinayaa Inaad Ka Duushaan Oo Aad Dhaqan Gelisaan Qodoban Soo Socda Insha Allaah.
1. Deegaamada Labadda Beelood Inaan La Kala Lahayn Dhul Daaqsimeedka Iyo Biyaha.
2. Deegaamada Labaad Beelood In Laga Hir Geliyo Nabad Buuxda Oo Laysu Hoyan Karo, Lays Dhexmari Karo.
4. Labadda Beelood Inay Samaystaan Min Konton Inan Oo Hubaysan Oo Ehlu Cibaado Ah, Oo Aan Balwad Lahayn Oo Ka Shaqeeya Gacan Ku Dhiiglihii Kibir Wax Ku Dila Sidii Gacan Loogu Soo Dhigi Lahaa Oo Aan Loo Gacan Gelin Xukuumadda, Beesha Qofka Laga Dilayna, Beesha Kale U Soo Gacan Geliso Oo Ay Qisaasaan Kontonka Inan Ee Hubaysan Ee Ka Soo Jeeda Beesha Wax Laga Dilay.
5. Labadda Beelood Inay Awood U Leeyihiin Haddii Cadoow Soo Weeraro Inay Dhinac Uga Soo Wada Jeestaan.
8. Labadda Beelood Yagoo Wada Jira Inay Shir Balaadhan Kula Midoobaan Beelaha Dhulbahante, Warsangeli Oo La Dhaqan Geliyo Todobaas Qodob Ee Aan Kor Ku Xusay Ama Aan Ku Sheegay Insha Allaah.
9. Beelaha Kale Ee Galbeedka Somaliland Waa In Yagana Lala Midoobo Oo Ay Dhaqan Galaan Todobadaas Qodob Ee Aan Kor Ku Sheegay Insha Allaah.
10. Beelaha Garxajis, Habar Jeclo Iyo Beelaha Kale Ee Somaliland Inay Xukuumadda Madaxwayne Muuse Biixi Ku Cadaadiyaan Gacan Ku Dhiiglayaasha Xabsiyada Buux Dhaafiyay Sidii Qisaas Loogu Fulin Lahaa, Qofkii Qof Kibir Ku Dilana Ee Xukuumaddu Gacanta Ku Dhigto In La Qisaaso Intaan Marxuumka Ama Marxuumadda La Dilay La Aasin Ama Uu Ka Dambeeyo Ugu Badnaan Todobaad Insha Allaah.