Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Sheegay In Israa’iil Ay Ku Saxan Tahay Inay Lahaato Daanta Galbeed Ee Falastiin

focus

Mareykanka Oo Sheegay In Israa’iil Ay Ku Saxan Tahay Inay Lahaato Daanta Galbeed Ee Falastiin

(SLT-Washington)-Safiirka Mareykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay ku saxan tahay inay loo aqoonsado daanta galbeed deegaanada ku yaalla oo ay xoogga kaga heestaan Falastiin.

Hadalkaan ayaa yimid iyadoo shacabka reer Falastiin ay ka hor yimaadaan qorshaha nabadeed oo ay wado dowlada Mareykanka.

Safiirka Mareykanka ee Israel, David Friedman, ayaa tilmaamay in Mareykanka uu taageeri doono dadaalada Qorshahaan.

Wareysi uu siiyay Majalada New York Times ayaa cadho wuxuu ku abuuray shacabka Falastiin.

Maamulka Trump ayaa lagu eedeeyay in uu u janjeedho dhanka iyo xukuumada Tell Aviv oo uu doonayo in uu ku wareejiyo daanta Galbeed.

Saeb Erekat oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowlada Falastiin ayaa sheegay in ay cadeyneyso qorshaha gumeysi ee Israel.

Hanan Al-Sharaawi oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa xoreynta Falastiin ayaa dhankiisa sheegay in Israel dhul ay xaday lagu abaal Mariyo ay cadaalad darro Tahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top