Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Sacuudiga U Dhisaya Saldhig Loogu Tala Galay Gantaalaha Waaweyn Ee Ku Shaqeeya Tamarta

News

Mareykanka Oo Sacuudiga U Dhisaya Saldhig Loogu Tala Galay Gantaalaha Waaweyn Ee Ku Shaqeeya Tamarta

(SLT-Washington)-Maamulka Donald Trump ayaa la soo warinayaa in uu ogolaaday in dalka Sacuudiga laga dhiso hanaanka casriga ah ee gantaalaha waaweyn ee ku shaqeeya Technoolajiyada.

Saldhigga laga dhisayo mashruucaan gantaalaha waaweyn ayaa dowladda Sacuudiga u adeegsan doontaa dhanka difaaca iyo weerarada ka dhanka ah kooxaha ay dagaalka kula jirto gaar ahaan Xuutiyiinta Yemen.

Warbixintaan oo lagu daabacay Jimcaha maanta majalada Washington Post ayaa Trump wuxuu u ogolaaday kooxda u xilsaaran dhanka dhismaha milatariga Mareykanka in ay dadajiyaan Mashruucaan.

Saldhigaan ayaa gantaalaha la geynayo wuxuu ku shaqeyn doonaa quwada Koronto u Gaar ah.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo bishii hore uu Mareykanka ku dhawaaqay in uu ka iibinayo boqortooyada Sacuudiga imaaraadka hub qiimihiisa lacageed lagu qiyaasay 8.1 billion oo Dollar.

Dowlada Sacuudiga ayaa horay loogu eedeeyay in hub ay ka Iibsatay Mareykanka loo adeegsaday dagaalka ka socda Yemen oo ay ku dhinteen boqolaal qof oo Shacab Ah.

Agaasimaha hey,ada caalamiga ah ee Iibka hubka iyo amniga caalamka William Hartung ayaa ka digay arintaan waxaana uu sheegay in ay uga sii dari doonto xaalada dalka Yemen.

Wuxuu sheegay isticmaalka gantaalaha ku shaqeeya hanaanka Technoolajiyada ay uga sii dari doonto dhibaatada heysata shacabka Yemen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top