Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Erdogan Oo Milxiis Ka Ahaa Arooska Ciyaaryahanka Caanka Ah Mesut Ozil

focus

Madaxweyne Erdogan Oo Milxiis Ka Ahaa Arooska Ciyaaryahanka Caanka Ah Mesut Ozil

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa malxiis ka ahaa arooska ciyaaryahanka kubadda cagta ee Jarmalka ah Mesut Ozil oo Jimcihii shalay dhacay.

Ozil oo isirkiisu yahay Turki ayaa tartankii Koobka Adduunka ee sannadkii hore mar uu baahiyey sawirro uu la galahay Erdogan waxa ka dhashay cadho xamaasad leh.

Ka dibna waxa uu iska casilay xulka qaranka isaga oo ku sababeeyey “cunsurinimo iyo ixtiraam darro” lagula kacay markii sawiradaa lagu baahiyey Jarmalka.

Mesut oo haatan 30 jir ah ayaa xafladda arooska uu kula aqal galay gabadhii u doonanayd oo mar noqotay haweenayda ku guulaystatay quruxda Turkiga oo la yidhaa Amine Gulse, waxa uu ka dhacay hudheel kuwa raaxada ah oo ku yaal xeelliga marin biyoodka Bosphorus oo ah gacan kala qaybiya qaaradaha Yurub iyo Aasiya.

Lamaanahani waxay markii ugu horraysay is barteen sannadkii 2017-kii waxaanay bishii Juun ee 2018-kii shaaciyeen in ay isguursanayaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top