Connect with us

somalilandtoday.com

Muqdisho: Sarkaal Gaashaanle Dhexe Ah Oo Xadhig Dedelaad Ah Isku Dilay.

focus

Muqdisho: Sarkaal Gaashaanle Dhexe Ah Oo Xadhig Dedelaad Ah Isku Dilay.

(SLT-Muqdisho)Wararka naga soo gaadhaya xarunta Dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegayaa in Gaashaanle ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya uu isku dal-dalay Xerada Sheelare ee ku taalla Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Cabdi Cali Seed oo ahaa Gaashaanle Dhexe ayaa waxaa la sheegay in uu isku dhex dilay gudaha Xerada,isagoo qoorta gashtay xadhig kadibna is dilay.

Askarigan ayaa marku uu falka sameeynayay wuxuu xidhnaa darajadiisa Gaashaaleha dhexe.

Sidoo kale goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa gaadhay dadweyne farabadan, kuwaasi oo deganaa agagaarka Xerada Sheelare ee degmada Xamar Jajab.

Warar kala kuwan ayaa ka soo baxaya sababta uu isku dilay Gaashaanle Dhexe Cabdi Cali Seed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, hayeeshee waxaa la sheegayaa in ay jiraan daruufo keentay in uu is dilo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top