Connect with us

somalilandtoday.com

Siyaasaddii Adduunka Oo Dagaalka Dhaqaaluhu Hoggaaminaayo Iyo Midawga Ruushka & Maraykanka.

focus

Siyaasaddii Adduunka Oo Dagaalka Dhaqaaluhu Hoggaaminaayo Iyo Midawga Ruushka & Maraykanka.

(SLT-Moscow)Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin ku qeexay inuu yahay “saaxiibkiisa ugu fiican” xilli uu booqasho saddex maalmood ah ku tagay magaalada Moscow.

“Lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaan kulannay ku dhawaad 30 jeer. Ruushka waa waddanka aan booqashooyinka ugu badan ku tagay, madaxweyne Putin isagana waa saaxiibkeyga ugu fiican”, ayuu yidhi Xi.

Putin oo soo dhaweeyay hadalkaas ayaa sheegay “inuu ku faraxsan yahay in xiriirka Ruushka iyo Shiinaha uu gaaray heer aad u sarreeya”.

Mr Jinping ayaa halkaas u tagay wadahadallo diiradda lagu saarayo xiriirka ganacsi iyo kan diplomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan.

Labada madaxweyne ayaa Moscow ku saxiixday heshiis dhaqaale oo wadajir ah.

Booqashada madaxweynaha Shiinaha ayaa timid xilli uu meeshii ugu xumeyd gaaray xidhiidhka Shiinaha iyo Mareykanka, kaasoo qoonsaday dagaalka kharaaraaday ee dhinaca ganacsiga.

Ruushka ayaa dhowr sano kahor go’aansaday inuu la bahoobo reer bariga ka dib markii uu sii xumaaday xiriirkii uu la lahaa reer galbeedka, sababo la xidhiidhka qalalaasihii Ukraine iyo farogalintii uu ku sameeyay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top