Connect with us

somalilandtoday.com

Ayatollahiga Iran Oo Ka Digay Qorshe Maraykanku Islaamka Ku Qaybinaayo.

focus

Ayatollahiga Iran Oo Ka Digay Qorshe Maraykanku Islaamka Ku Qaybinaayo.

(SLT-Iran) Ayatollah Ali Khamenei Hoggaamiyaha sare ee Wadanka Iran, ayaa eedeeyn kulul usoojeediyay qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, oo uu ku sheegay “khiyaano weyn oo lagu sameynayo dunida Islaamka”, wuxuuna dalalka Khaliijka kaga digay inay taageeraan.

Maraykanka ayaa la filayaa inay dhammaadka bishan dalka Bahrain kusoo soo bandhigto qeybta dhaqaalaha ee qorshaheeda muddada la sugayey ee nabadda Bariga Dhexe ee Israel iyo Falastiin, kaasi oo loogu magac daray “Heshiika qarniga.”

“Ujeedada shirkan waa in laga gun gaaro qorshaha Mareykanka ee khiyaanada iyo sharaf-tirka ah ee ku wajahan Falastiin, kaasi oo ay ku magacaabeen ‘heshiiska qarniga’” ayuu Ayatollah Ali Khamenei ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka oo uu ugu talo-galay munaasabdda ciidda.

“‘Heshiiska qarniga’, Insha Allah marnaba ma hir-geli doono, tani waa khiyaano weyn oo ka dhan ah dunida Islaamka. Waxana rajaynayaa in hogaamiyayaasha Bahrain iyo Sacuudiga ay garowsan doonaan dabinta ay ku socdaan iyo dhaawaca ay gaarsiin doonto mustaqbalkooda” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

Heshiiskan oo uu horkacay wiilka uu Trump sodogga u yahay ee Jared Kushner ayaa waxaa mar horeba diiday Falastiiniyiinta, oo sheegay in siyaasadda Aqalka Cad ay u eexaneyso Israel.

rumeysan yahay inay taageersan yihiin qorshaha Mareykanka ayaa sheegay inay ka qeyb-galayaan shirka Bahrain ka dhacaya 25-26-ka June, kaasi oo Falastiiniyiinta ay qaadaceen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top